Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Galmudug oo dib u dhigtay doorashada 3 ka mid ah kuraasta golaha Shacabka

Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Galmudug ayaa hal maalin dib u dhigay doorashada 3 kamid ah kuraasta golaha shacabka, ee deegaan doorashadoodu tahay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

“Guddigu wuxuu hal maalin dib u dhigay shaacinta Guddiga Xulista ergada kuraasta HOP#095, HOP#038 HOP#069, waxaana la shaacinayaa maanta oo Jimcaha oo Taariikhdu tahay 11/03/2022,” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga.

Guddiga ayaa maalinta Sabtida ah bilaabi doona diiwaan-gelinta iyo shahaado siinta musharixiinta, waxaana la qorsheeyey in doorashada kuraastaas la qabto Axadda soo socota ee 13-ka bishaan.

https://www.youtube.com/watch?v=tNmckq7a6pA

Related posts

(Xog cusub) Maxaa fashiliyay qorshe heshiiseedkii Farmaajo iyo Rooble?

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Guddiga Nabadda Degmada Kaxda oo la dhisay

Cabdi Cade

Axmed Karaash: “Shacabka reer SSC awalba garab istaag kamay filayn Xamse”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---