Allbanaadir.com
NEWS

Jubbaland oo war kasoo saartay Shirka uu Iclaamiyay Farmaajo talana soo jeedisay

Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa soo dhaweeyay shirka uu iclaamiyay Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo , shirkan oo looga hadli doono arimaha doorashada dalka.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu soo dhaweeyay shirka uu iclaamiyay Farmaajo, waxa ayna Jubbaland ku talisay in shirkan lagu qabto Muqdisho kana soo qeyb galaan saamileyda siyaasada dalka.

Jubbaland waxay soo dhaweynaysaa kana qeybgaleysaa shirka watashiga arrimaha doorashooyinka ee 15 Febraayo,  Jubbaland waxay ku talineysaa in Shirkaasi uu ka dhaco  Muqdisho si ay uga soo qeybgalaan Saamileyda Siyaasadda Soomaaliyeed natiijo wadar ogol ahna uga soo baxdo.” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland.
Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo ayaa shalay iclaamiyay in shir looga arinsanayo arimaha doorashada 15-ka bishan lagu qabto Garawe, hasa ahaatee maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa codsaday in shirkaasi ka dhaco Muqdisho.
Dowlada Federaalka ayaan la ogeyn sida ay uga falcelin doonaan baaqa kasoo yeeray maamulada Puntland iyo Jubbaland ee ku aadan shirka ka dhaco Muqdisho kana soo qeyb galaan saamileyda siyaasada Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dil caawa ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Sirdoonka Mareykanka oo kashifay arrin halis ah oo uu damacsan yahay Putin

Caydiid Ali

Howlihii ka socday xarunta Xalane oo hakad la galiyay iyo AMISOM oo ka hadashay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---