(Sawirro) Wafdiga Somalia ku metelaya dacwada badda oo galay Maxkamada ICJ

Ergada Soomaaliya ku matalaya dhageysiga dacwadda badda Soomaaliya ee ay Kenya muranka gelisay oo uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa hadda gudaha u galay xarunta maxkamadda cadaaladda adduunka, si ay maxkamadda uga soo jeediyaan doodooda ku aadan garmaqalka badda.

“Waxaanu hadda gudaha u galnay guriga Nabadda ee xarunta cadaaladda Adduunka oo uu ka dhacaayo kiiska baddeena ee inagala dhaxeeya Kenya”  ayuu yiri Mudane Mahdi Maxamed Guuleed.

Dowladda Kenya ayaa labo maalin ka hor isaga baxday dhageysiga kiiska muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

Sida ay warbaahinta Kenya ku warantay dowladda Kenya ayaa sabab uga dhigtay arrintan inay ka cabanayso in maxkamadda aysan si xaq ah ula dhaqmin Kenya iyo in maxkamadda aysan doonayn in ay tixgaliso codsiga Kenya ee ah in dib loo dhigo dhageysiga kiiska iyada oo sabab looga dhigayo feyriska Corona.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -