RW ku-xigeenka Somalia oo la hadlay Ardayda Soomaalida ee wax ka barata UK (Sawirro)

Raisul Wasaare ku-xigeenka Somalia Mahdi Maxamed Guuleed oo weli ku guda jira booqashadii uu ku joogay dalka Ingiriiska ayaa kulan kula qaatay magaalada London qaar ka mid ah ardayda Soomaalida ee wax ka barata dalkaas.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Jaamacada University College London ayaa waxaa ka qeyb galay arday wax ka barata Jaamacado kala duwan oo ku yaalla dallkaas iyo xubno kale.

Mahdi Max’ed Guuleed Raisul Wasaare ku-xigeenka Somalia oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay u jeediyey ardayda ayaa uga waramay xaalada dalka gaar ahaan Siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada, isagoo dhinaca kale ku bogaadiyey ardayda dedaalka ay ugu jiraan sare u qaadida aqoontooda, si ay u anfacaan dalkooda iyo dadkooda.

Raisul Wasaare ku-xigeenka ayaa uga digay ardayda iney iska ilaaliyaan qatarta wax uu ugu yeeray kooxaha argagaxisada ah ee maskaxda ka xada dhalinyarada, si ay uga marin habaabiyaan dariiqa saxda ah ee nolosha, danahooda guracana ugu fushadaan.

Dhinaca kale, RW ku-xigeenka ayaa u sheegay ardayda in Somalia uu ku jiro kheyraad uu ku jiro batroolka sida lagu sheegay sahan lagu soo bandhigay dhowaan shir ka dhacay London kaasoo laga sameeyey xeebaha Somalia.

“Siyaasiyiinta xasaaqsan ma doonayaan in la soo saaro kheyraadka dalkeena, oo dadkeena dhibaatada laga saaro, maxaa yeelay waxay xiriir la leeyihiin dowlado cadow ah oo aan rabin in Somalia ay la soo baxdo kheyraadkeeda” ayuu yiri Mahdi Maxamed Guuleed oo ardayda wax ka barata ingiriiska ugu baaqay in aqoonta ay bartaan ay kula soo laabtaan dalkooda, kana qeyb qaataan horumarka ka socda.

Mar uu ka hadlayey go’aanka dowladu ku gaartay iney nin ajnabi ah u magacowdo gudoomiyaha Bankiga dhexe ayuu sheegay iney tahay talaabo lagu horumarinayo dhaqaalaha dalka, iyadoo laga faa’iideysanayo aqoonta khubarada arrimaha dhaqaalaga mudada badan ku soo jiray.

“Dalka Ingiriiska bankiga dhexe waxaa gudoomiye ka noqday nin Canadian ah, waana wax iska caadi ah arintan, maadaama dhaqaalaha caalamka uu hadda isku wada xiran yahay” ayuu yiri raisul wasaare ku-xigeenka.

Mahdi Maxamuud guuleed ayaa ugu dambeyn kula dardaarmay ardayda uu la kulmay iney ku dedaalaan Waxbarashada, maankoodana ku hayaan iney u taalo shaqo adag oo ah dib u dhiska iyo horumarinta dalkooda.

Raisul Wasaare ku-xigeenka Somalia oo maalmahan booqasho ku jooga magaalada London ayaa weli kulamo la qaadanaya qeybaha bulshada Soomaaliyeed ee dalkaas ku dhaqan isagoo labo habeen ka hor ka qeyb xaflad soo soo dhoweyn ah oo ay u sameeyeen Jaaliyada Soomaalida ee London.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -