Madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa si nabad ah ku gaadhay Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.
Madaxweynaha ayaa waxaa gegada Diyaaradaha ku soo dhaweeyey Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Khayraadka badda (Ministry of Mining, Blue Economy and Maritime affairs) ee dalka Kenya Hon. Hassal Ali Joho kadibna u gelbiyey goobta uu ka degayo Caasimadda Nairobi ee Kenya.
Dhanka kale, tiro ka mid ah Jaaliyadda Somaliland ee dalka Kenya ayaa si diirran u soo dhaweeyey Madaxweynaha markii uu soo gaadhay goobta uu ka deggen yahay magaalada Nairobi.
Dowladda Kenya ayaa bayaan ay soo saartay socdaalka Ciro ka hor waxay ku sheegtay “inay si buuxda u aqoonsan tahay madax-bannaanida, midnimada qaranka, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo oggolaanaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho inay tahay hay’adda kaliya ee sharciyeysan ee maamusha arrimaha dalka, oo ay ku jiraan maamullada gobollada.
“Annaga oo ilaalinaya midnimada Soomaaliya haddana waxaannu xidhiidh la samaynaynaa Somaliland iyo Jubaland oo aanu la wadaagno dano amni iyo mid ganacsi” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Wasaararadda Arrimaha Dibadda Kenya.
HOOS KA DAAWO SAWIRADA