Allbanaadir.com
NEWS

Xamse Barre oo magacaabay guddi shaqo muhiim ah qabanaya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo xoojinaya qaban-qaabada maalmaha xorriyadda Qaranka, ayaa magacaabay guddi ka kooban Wasiirro iyo maamulka gobolka Banaadir, kuwaas oo ka shaqeynaya xuska toddobaadka xorriyadda dalkeenna.

Guddiga uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha, ayaa u xil-saaran qaban-gaabada xuska maalmaha xorriyadda iyo midnimada Qaranka ee sanadguurada 65aad ee 26-da Juun iyo 1-da Luulyo, amniga iyo xiriirinta hey’ adaha qaybta ku leh dabaaldegga Maalmaha Xorriyadda.

Guddigan la magacaabay waxaa guddoomiye looga dhigay Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxa ayna guddigan ka shaqeenayaan sidii loo qaban qaabin lahaa xuska maalmaha umadda Soomaaliyeed ku weyn ee 26-da Juun iyo 1-da Luulyo.

Maalmaha xuriyadda ayaa si weyn looga dabaaldega Soomaaliya iyo waddamada ay joogaan dadka Soomaaliyeed, waxaana xuska maalmahan lagu bixiyaa qarash badan , iyadoo la sameeyo munaasabado waa weyn oo maalmahaasi xuriyadda lagu weyneenayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

IGAD oo wada qorshe ciidamo Nabad ilaalin ah lagu geynayo Khartuum

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay kulamo xasaasi ah oo ka socda magaalada Dhuusomareeb

Cabdi Cade

Aadan Madoobe oo Ballanqaad u sameeyay Baarlamaannada Maamul goboleedyada(Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---