Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Saciid Deni oo warbixin siiyey wafdi ka socday dowlada Kuwait (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafdi dalka Kuwait.

Wafdiga oo ka socday Ururka Samafalka ee Liilaaf ee hoggaaminayo Maamulaha Ururka ayna weheliyaan xubno Ururkaasi ka mid ah.

Kulanka oo ay Madaxweynaha ku weheliyeen xubno ka mid ah Golaha Wasiirada iyo Saraakiil Madaxtooyo, ayaa looga hadlay xaaladda Abaaraha ka jira Puntland iyo gurmadka loo fidinayo dadka Abaaruhu saameeyeen.

Madaxweyne Deni ayaa wafdiga warbixin guud ka siiyey xaalada abaaraha ka taagan Soomaaliya gaar ahaan degaanada Puntland.

Wafdiga ayaa sheegay iney Somalia u yimaadeen qiimeyn la xiriirta abaaraha iyo baahiyaha deg dega ah ee jira, iyagoo balan-qaaday iney kaalmo u fidin doonaan dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Gantaalo lagu weeraray garoonka Baqdaad oo waxyeelo u geystay dayuurad rakaab ah

Caydiid Ali

Maxaa ka jira in Iran ay soo riday dayuuradii rakaabka aheyd ee Ukraine?

Caydiid Ali

Sirdoonka Turkiga oo afar qof ka qafaashay gudaha Kenya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---