Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Farmaajo oo kulan gaar ah la qaatay dhigiisa Mohamed Yunis Al-Menfi (Sawirro)

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan-doceed ka tirsan Shirweynaha Saddexaad ee Iskaashiga Turkiga iyo Afrika la qaatay Madaxweynaha Golaha Madaxtooyada Dalka Liibiya Mudane Maxamed Yuunis Al-menfi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Madaxweynaha Golaha Madaxtooyada Dalka Liibiya ayaa ka wada hadlay iskaashiga iyo xiriirka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Liibiya iyo sidii ay Labada Dal uga wada shaqayn lahaayeen iskaashiga dhinacyada isu socodka, amniga iyo siyaasadda.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa kala hadlay Madaxweynaha Liibiya sidii uu gacan uga gaysan lahaa xorriyad siinta Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xiran dalka Liibiya, iyaga oo Labada dhan ay isla garteen sidii looga wada shaqayn lahaa badqabka Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha Dalka Liibiya.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan u diraysa guddi gaar ah xaaladda muwaadiniinta ku xiran Dalka Liibiya. Guddiga ayaa u kuurgali doona, kana soo war-bixin doona xaaladda nololeed oo ay ku sugan yihiiin Muwaadiniinteennu.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xamaas iyo Israel oo mar kale is dhaafsaday Maxaabiis (Sawirro)

Caydiid Ali

Labo qof oo talaalka cusub ee Coronavirus ugu dhintay dal ka tirsan Yurub

Caydiid Ali

Raisul wasaare Abiy Axmed oo shaqada ka eryey Saraakiil hor leh, kuwo cusubna ku bedelay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---