Madaxda dalalka Carabta qaarkood oo fariimo u soo diray Madaxweyne Farmaajo

Qaar ka mid ah madaxda dalalka Carabta ayaa Madaxweynaha Somalia u soo diray dhambaalo hambalyo ah oo ku saabsan munaasabadda 1-da Luulyo oo ku beegan sannad-guurada 60-aad ee madax-bannaanida goballada Koofureed ee dalka iyo Midowgii labada gobol ee  Waqooyi iyo Koonfur.

Boqorka dalka Saudi Arabia Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis iyo dhaxal sugaha dalkaas Maxamed Bin Salmaan ayaa ka mid ah madaxda dhambaalada Hambalyada ah u soo diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

“Boqorka isaga oo ku hadlaya magaca, shacabka  iyo dowladda Boqortooyada Saudi Arabiya, wuxuu  bogaadin iyo hambalyo kal iyo laab ah u diraya Madaxwayanaha iyo shacabka Soomaaliyeed isagoo u rajeyanaya  farxad, degganaansho iyo nabad waarta” ayaa lagu yiri dhambaalka.

Sidoo kale Amiirka dalka Qatar Shiikh Tamiim Bin Xamad ayaa hambalyo ku saabsan maalinta xorriyadda u soo diray Madaxwaynahaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxmaed Cabdullaahi Farmaajo.

Amiiraka ayaa dowaldda iyo shacabka Soomaaliyeed  u rajayeey barwaaqo iyo nabad waarta inay ku gaaraan sanadka dambe.

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas, ayaa sidoo kale ugu hambalyeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Faramajo iyo shacabka Soomaaliyeed munaasabadda maalinta xorriyada gobalada Koonfureed ee dalka iyo israaca Waqooyi iyo Koofur oo maanta looga dabbaal degayo Soomaaliya.

Bayaan ka soo baxay xafiiska Madaxwayne Cabaas ayaa lagu sheegay in Falastiin iyo Soomaaliya wadaagaan xiriir walaaltinimo iyo mid taariikheed, iyadoo Soomaaliya looga mahadceliyay sida ay markasta u garab taagan tahay shacabka Falastiin si ay caddaalad iyo xuquuqda dhulkooda u helaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -