Ciidamo AMISOM katirsan oo kusii jeeday Dhuusomareeb oo is hortaag lagu sameeyay

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya ciidamo katirsan AMISOM gaar ahaan kuwa kasoo jeeda dalka Jabuuti oo doonayay in ay gaaraan magaalada Dhuusomareeb is hortaag lagu sameeyay.

Ciidamadan oo kasoo baxay magaalada Baladweyne ayaa ishortaag kala kulmay ciidamo taabacsan kooxda Ahlu Sunna xili ay doonayeen in ay sii maraan degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamada taabacsan Ahlu unna ay xirten wadooyin ay kasoo gudbi lahaayeen ciidamada Jabuuti ee kusii jeeday Dhuusomareeb, waxaana halkaasi ka taagan xiisad u dhaxeysa labada ciidan.

Ciidamada AMISOM ee kasocda dalka Jabuuti ayaa kusii jeeday magaalada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galgaduud , si ay ciidankan qeyb uga noqdsaan sugida amaanka magaaladaasi ay ka dhacayaan shirar iyo doorashooyin.

Kooxda Ahlu Sunna ayaa kasoo horjeeda ciidamo ka socda AMISOM in la geeyo magaalada Dhuusomareeb, waxa ayna kooxdan marar badan ku baaqeen in ciidamo kasocda AMISOM aan la keenin magaalada Dhuusomareeb.

Ciidamo badan oo ka amar qaata dowlada federaalka Soomaaliya ayaa hada ku sugan magaalada Dhuusomareeb, kuwaa oo la wareegay amaanka xarumaha muhiimka ah ee kuyaala magaaladaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -