Allbanaadir.com
NEWS

85 jirkii ururin jiray lacagta uu Xajka ku aadi lahaa oo sannadkan Nasiibku saaciday!

85 jir u dhashay dalka Induniisiya ayaa ugu dambeyn kamid ah xujeyda sannadkan gudanaysa xajka iyo cumrada. Wuxuuna riyadiisa maalintan weyn ay ugu rumowday ururinta shilimaadkii uu ka heli jiray mushaharkiisa taraafikada.

In ka badan 30 sannadood, Husin bin Nisan wuxuu urursanayay lacagtii uu mar un kusoo aadi lahaa Xajka. Sannadkan, wuxuu si kastaba, kamid noqonayaa kumaankun-ka duqowda Muslimiinta ah ee kasoo xajinaya dalka ugu ballaaran Muslimiinta adduunka ee Induniisiya.

Isaga oo ooynaya ayuu u sheegay Muslim Journal inuu gu’yaal badan Eebe warsan jiray inuu soo guto xajka iyo cumrada mar un noloshiisa kamid ah. Waxaase uu saddexdii sannadood ee lasoo dhaafay uu kamid ah xujeydii uu saameeyey xayiraaddii ka dhalatay faafitaanka xanuunka Covid-19.

“Waxaa xujeyda muddadii xayiraadda kusii batay jaceylka iyo sugitaanka booqashada Makka,” ayuu yiri Arsyad Hidayat, oo kamid ah saraakiisha warsaadda xajka ee Induniisiya.

In ka badan labo milyan oo Muslimiin daafaha dunidda ka kala tagay ayaa maanta taagan buurta carafo , si ay u gutaan rukniga ugu weyn arkaanta xajka .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin Eriteriyan ah oo Xamaas ka bad baadiyay Sargaal Israa’iili ah oo la abaal mariyay

Cabdi Cade

Halis cusub oo soo wajahday Xaasaska Al Shabaab kadib Hanjabaad loo jeediyay

Cabdi Cade

Daawo Video:-Ninkii alifay ama ugu horeeyay aaladaha farsamada iyo mashiinada dhaq dhaqaaqa ee dunida !!

admin
Taboola Ads ---