Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay howlgal cusub oo Onkod loogu magacdaray

Maamulka Puntland oo ku jirta dhammaystirka hawlgalka ciribtirka mileeshiyaadka Daacish ee Hillaac, ayaa saaka oo Sabti ah ku dhawaaqday in ay bilaabi doonto hawlgal kale oo magaciisu yahay Onkod.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo saaka khudbad ka jeediyay munaasabad tababar loogu soo xirayay cutubyo si gaar ah u tababaran oo ka tirsan ciidamada PMPF, ayaa shaaciyay in ay bilaabi doonaan hawlgal la baxay Onkod ka dhan ah argagixisada Al-shabaab ee ku jira buuraha Calmadow.

Madaxweyne Deni oo sheegay in uu dhammaystirmarayo hawlgalka Hillaac ee Calmiskaad, ayaa tilmaamay in uu ku xigi doono hawlgalka Onkod oo lagu burburinayo mileeshiyaadka argagixisada ah ee Al-shabaab ee ku sugan qeybo kamid ah gobolka Bari.

“Hawlgalka hillaac ee Calmiskaad, Waxaa ku xiga Hawlgalka Onkod ee Calmadow, ee iyana lagu ciribtirayo maleeshuyaafka kooxd Al Shabaab” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Wuxu sidoo kale sheegay in kaddib markii kooxaha argagixisada ah laga saaro buuraha Golis in ciidamada dowladda Puntland u gudbi doonaan koonfurta Soomaaliya si guud ahaan argagixisada uga nadiifiyaan dalka oo dhan.

“Madaxweyne Deni “Puntland markii ay Hawlgalada Amnigeeda dhameystirto, gacanta ka laaban mayso tan Somalia-na in ay wax ka qabato.”

 

Related posts

Yuusuf Madaale oo degdeg ugu soo laabtay Muqdisho Dhaawacyana booqday (Sawirro)

Cabdi Cade

Ruushka oo Macalimiin iyo qalab milatari u diray dal kuyaalla Afrika iyo Mareykanka oo…

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxyadii ruxay Muqdisho iyo Masuuliyiin waxyeelo kasoo gaartay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---