Allbanaadir.com
NEWS

Scott Bessent iyo Elon Musk oo isku feeray Xafiiska Trump

Scott Bessent oo ah wasiirka Maaliyada Mareykanka iyo maalqabeenka Elon Musk ayaa isku feeray aqalka cad ee mareykanka ka dib muran soo kala dhex galay

Aqalka cad ee Mareykanka dhexdiisa xiligaan waxaa ka socdo dagaal gacan kahadal ah oo u dhaxeeyo Scott Bessent oo ah wasiirka Maaliyada Mareykanka iyo Elon Musk, waxaana goobta dagaalka ku sugan Donald Trump oo indhaha ka daawanayo gacan kahadalka Musk iyo Bessent.

Buuqa ayaa bilowday kadib markii uu Scott Bessent ku eedeeyay Elon Musk inuu nasuul ka yahay fashilka ku yimid fulinta qorshooyinkii hoos loogu dhigaayay miisaaniyada Mareykanka, balse Elon Musk ayaa eedeyntaas ka xanaaqay wuxuuna Scott Bessent ku tilmaamay inuu jaasuus u yahay George Soros oo maalqabeen Bilyineer Mareykanka u dhashay ah.

Intaas kadib waxaa xigtay buuq iyo caay dhanka afka ah, kadibna gacan kahadal, waxaana goobta ku sugnaa saraakiisha ugu sareysa Maamulka Trump, xili Donald Trump uu arinta indhaha ka daawanayay, lamana yaqaano talaabada xigta ee uu qaadi doono.

Related posts

Dabaaldegyo waaweyn oo ka socda Magaalooyinka dalka Itoobiya (Sawirro)

Caydiid Ali

(Akhriso) Khudbadii Farmaajo ka jeediyey shirka Madaxda Afrika oo dhameystiran

Caydiid Ali

Dal Afrikaan ah oo caasimadiisa ka mamnuucay dadka wadooyinka ka tuugsada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---