Allbanaadir.com
NEWS

Cabaqad adag oo soo wajahday howlgalka cusub AUSSOM

Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah u diiday in ay dhaqaale ku bixiso Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), taasoo beddeshay hawlgalkii hore ee ATMIS.

Go’aankan ayaa imaanaya xilli Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ansixiyay in AUSSOM lagu taageero ilaa 75% miisaaniyaddiisa, si ay u sii socoto howsha xasilinta Soomaaliya.

Mareykanka, oo ka mid ah dalalka dhaqaalaha badan ku bixiya hawlgallada caalamiga ah, ayaa sheegay in uusan diyaar u ahayn inuu bixiyo wax dhaqaale ah hawlgalkan cusub.

Senator Jim Risch, oo ka tirsan Golaha Senate-ka, ayaa si cad u sheegay in Mareykanka uu horey u bixiyay lacag aad u badan, balse aan lagu gaarin natiijooyin la taaban karo, gaar ahaan la-dagaallanka Al-Shabaab.

Wuxuu intaa ku daray in aysan macquul ahayn in canshuur bixiyeyaasha Mareykanka mar kale loo adeegsado maalgelinta hawlgal aan weli la caddeyn guushiisa, wuxuuna ugu baaqay Midowga Yurub iyo beesha caalamka inay iyagu iska xil saaraan maalgelinta AUSSOM.

Go’aankan Mareykanka ayaa culays hor leh saarayaa Soomaaliya, maadaama ay u baahan tahay taageero dhaqaale si loo sugo ammaanka, iyadoo weli ay jiraan khataro amni oo ka imaanaya Al-Shabaab oo dhowaanahan la soo baxday dardar xoogan.

Related posts

Milatariga Soomaaliya oo howlgal qorsheysan sameeyay iyo taliyaha ciidanka oo ka hadlay

Cabdi Cade

Ciidamada PSF oo gacanta ku dhigay ninkii sameeyay qaraxii ka dhacay deegaanka Milxo

Cabdi Cade

Xeer ilaaliyaha DF oo Maxkamad soo taagay Max’ed Ibraahim Cali

Caydiid Ali
Taboola Ads ---