Allbanaadir.com
NEWS

Shacabka Muqdisho oo loogu baaqay in ay isku diwaangeliyaan doorashada

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐦𝐢𝐢𝐫 ayaa si rasmi ah u daah-furay Isdiiwaan-gelinta codbixiyeyaasha doorashada oo maanta ka bilawday Degmada Shangaani ee Magaalada Muqdisho, asigoona noqday muwaadinka 1-aad ee is diiwaan-geliyay.

Kumanaan shacab ah oo ku dhaqan Degmada Shangaani ayaa si weyn isugu soo baxay goobaha isdiiwaan-gelinta, iyagoona safaf dhaa-dheer u galay sidii ay isku diiwaan-gelin lahaayeen.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐦𝐢𝐢𝐫 ayaa shacabka Caasimadda ugu baaqay in ay isdiiwaan-geliyaan si ay codkooda ugu ciil baxaan, go’aanna ugu gaaraan cida ay hogaanka u dhiiban lahaayeen.

Doorashada qof iyo cod ay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ku celcelineyso in ay qabaneyso, ayaa waxaa kasoo horjeeda siyaasiyiinta mucaaradka iyo madaxda maamul goboleedyada qaarkood.

Related posts

Danjiraha cusub ee Mareykanka oo Muqdisho soo gaaray & Wasir Fiqi oo..(Sawirro)

Caydiid Ali

Ra’iisul Wasaare Justin Trudeau oo isu karantiilay shaki la xiriira Coronavirus

Caydiid Ali

Raisul Wasaarihii hore ee dalka oo muddo ka dib ku soo laabtay Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---