Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa ka jira in ay is fureen Madaxweyne hore Obama iyo xaaskiisa ?

Michelle Obama, ayaa ka hadashay wararka xanta ah oo ay baahiyeen qaar kamid ah warbaahinta caalamka, , kuwaa oo sheegayay in marwada ay dhib ku qabto xidhiidhkeeda guurka ee iyada iyo Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Barack Obama.

Marwadii hore ee Maraykanka ayaan ka soo muuqan munaasabado muhiim ah oo dhowr ah oo uu ka qayb galay Barack Obama, kuwaasi oo ay ka mid yihiin caleemo-saarkii Donald Trump iyo aaska madaxweynihii hore Jimmy Carter. Arrimahaasi ayaa sii xoojiyay tuhun ku saabsan kala tagga Michelle iyo Barack Obama.

Inkasta oo aanay si toos ah u xusin arrimahaasi, haddan Michelle Obama ayaa u sheegtay barnaamijka Work in Progress oo ay daadihiso jilaaga Sophia Bush, in ay hadda leedahay awood ay ku qorshayso jadwalkeeda islamarkaana ku si madaxbannaan ugu maamulan karo arrimaheeda maadaama ay tahay “haweenay da’ weyn”.

Waxay ay sheegtay in dadku aanay rumaysan karin in iyadu go’aankaas gaadhay, taasi beddelkeedana waxay sheegtay in u maleeyaan in iyada iyo ninkeeda ay is furayaan.

Lammaanayaashan ayaa bishii Oktoobar ee sannadkii hore u dabbal-degay sannad-guurada 32-aad ee guurkooda.

Michelle Obama waxay hore uga hadashay caqabadihii ay kala kulantay guurkeeda iyo sidii hamiga siyaasadeed ee Obama uu u saameeyay iyo waqtigii ay ku qaateen Aqalka Cad, sida ay ku soo bandhigtay buuggeeda caanka ah.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Dowladda oo gacanta ku dhigay Sargaal katirsanaa Al Shabaab

Cabdi Cade

Gudoomiyihii Xamar Weyne oo Xabsiga laga sii daayay kana hadlay xarigiisa

Cabdi Cade

Khilaaf adag oo soo kala dhex galay Maamulka Jubbaland iyo Shirkadaha dayuuradaha

Caydiid Ali
Taboola Ads ---