Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay in uu ka dambeeyo Dagaal Mudug ka ocda

Dagaal beeleed u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda Koonfurta degmada Galkacyo ee Galmudug iyo degmada Galdogob ee Puntland ayaa shalay ka dhacay deegaanno ku yaalla gobolka Mudug.

Sida aan wararka ku helnay dagaalkan ayaa dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac , waxaana wali jirta cabsi laga qabo in mar kale dagaalamaan labada maleeshiyo beeleed ee iska soo horjeeda.

Wasiirka qorsheynta maamul goboleedka Puntland Maxamed Saciid Faroole ayaa ku eedeeyay madaxweymaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ka dambeeyo dagaalka u dhaxeeya labada maleeshiyo beeleed.

Waxa uu tilmaamay  wasiirka in wixii shalay ka dhacay deegaanno hoostaga degmada Goldogob oo ay sameeyeen waxa uu ku sheegay maleeshiyada Galmudug katimid ay bilaw u tahay dagaal seddexaad.

Hadalkan kasoo yeeray Puntland ayaa imaanaya xilli wali jiro khilaaf u dhaxeeya dowladda federaalkka Soomaaliya iyo Puntland, madaxweynaha Soomaaliya oo ay eedeesay Puntland ayaana Dhuusomareeb u jooga abaabulka dagaal ka dhan ah Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Midowga Afrika oo si adag uga hadlay rabshadaha ka socda dalka Koonfur Afrika

Cabdi Cade

Amaanka Muqdisho oo sii xumaanaya iyo Walaac xoogan lasoo darsay dadka Shacabka

Cabdi Cade

Itoobiya oo duqeyn cirka ah ka fulisay Shabeellaha dhexe

Caydiid Ali
Taboola Ads ---