Madaxweyne caan ah oo ku soo wajahan Muqdisho iyo garoonka Aadan cadde oo loo xirayo

Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa maalinta berri hakisay dhaqdhaqaaqyada duulimaadyadii iman lahaa garoonka dayuuraddaha Caalamiga Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho

Qoraal ay soo saartay Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa sheegtay in talaabadan loo qaaday sababo ku aadan imaanshaha wafuud caalami ah oo ku soo wajahan Muqisho..

Wararka ayaa sheegaya in wufuuda beri ku soo wajahan magaalada Muqdisho uu ka mid yahay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele.

Madaxweyne Geelle ayey wararka sheegayaan inuu xariga ka jarayo dhismaha xarunta cusub Akademiyada afka Soomaaliga oo laga hirgeliyey degmada Shignaani ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa la filayaa iney beri soo gaaraan Muqdisho, Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cagjar, Wasiirka gaashaandhiga Kenya Aadan Barre Ducaale iyo Wufuud kale.

Ilo xog ogaal ah ayaa sidoo kale sheegaya in beri la xirayo jidadka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho laga bilaabo 6:00am aroornimo illaa 6:00pm maqribinimo.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA HEY’ADDA DUULISTA RAYIDKA SOOMAALIYEED

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -