Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo magacaabay guddi heer Qaran ah oo ka …

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Guddiga Qaran ee Taakuleynta Dagaalka lagula jira kooxaha Khawaarijta ah ee Shabaab iyo Daacish.

Xubnaha Guddiga Taakulaynta Dagaalka uu magacaabay Xamse Cabdi Barre , ayaa waxaa hoggaaminaya Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali.

Guddigan uu magacaabay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya , ayaa sidoo kale waxaa xubno ka ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Jeneraalka ugu derajada sareeya ciidanka Soomaaliya Xildhibaan Bashiir Goobe oo sidoo kale ah Wasiirka Deegaanka.

Magacaabista guddigan , ayaa kusoo aadeysa xilli dowladda Soomaaliya mar kale isku diyaarineyso guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab oo dib ula wareegtay deegaanno badan oo horey gacanta dowladda ugu jiray oo kuyaalla gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo u codeeyay in xildhibaan Qaasim Cabdikariin uu…

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Xaalada Gobolka Gedo iyo Dowlada oo ciidamo ku daabuleysa

Cabdi Cade

Maxaa ka jira in Afgambi aan shacabka ogayn uu ka dhacay Villa Somalia?

admin
Taboola Ads ---