Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Al-Shabaab oo soo bandhigtay askar ka goosatay dowlada Somalia (Sawirro)

Xarakada Alshabaab ayaa soo bandhigtay askar ay sheegtay inay kasoo goosteen ciidamada milateriga Soomaaliya ee ka howlgala gobolka Sh/hoose.

Askarta la sheegay inay isku dhiibeen Xarakada Al-Shabaab ayaa ahaa ayaa laba askari oo ka howlgeli jiray aagaga Marko iyo Shalaambood, iyadoo watay laba qori.

.Warbaabinta Al-Shabaab ayaa faafisay muuqaallada iyo wareysiyo lala yeeshay labadan askari oo sheegay inay ka towbad keeneen ka mid ahaanshihii ciidamada Dowladda Federaalka.

Saraakiisha Wasaarada gaashaandhiga dowlada Somalia kama hadlin in askartan ay ciidankooda ka tirsanaayeen iyo in kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Shirkii Golaha Amniga oo lagu soo dhaweeyey Barnaamij uu sameeyay Maamulka G/Banaadir

Cabdi Cade

Kismaayo: Xukun dil ah oo lagu riday shan xubnood oo ka tirsan Al-shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali

Daanyeer lagu daray Liiska dembiilayaasha loogu doontisa badan yahay dalka Japan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---