Allbanaadir.com
NEWS

Qatar iyo UAE oo dhoolatus milateri la sameeyey ciidanka Israel

Qatar oo ah xulafada khaliijka ee Turkiga ayaa maanta qeyb ka ahayd dhoolatus ay diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil, Giriiga, Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta ku sameeyeen hawada Gariiga  meel aan ka fogeyn xadka Turkiga.

Talaabadan ayaa ka dhigan in ay soo raacday Qatar, cadowga Turkiga, iyadoo laga dheregsan yahay hiiladii uu Turkigu isku garab taagay Qatar markii ay go’doomiyeen dalalkii carabta ee walaalahood ahaa sida Sacuudiga, Imaaraadka iyo Bahrain

Dhoolatuska ma  aha inay qeyb ka tahay Israa’iil oo kaliya ee waa in ujeeddada dhoolatuska uu yahay farriin ku socota Turkiga, xilli toddobaadyadii u dambeeyay saraakiisha Giriiga ay warbaahinta marinayeen hadallo ka dhan ah Turkiga.

Sababta ay Israa’iil ugu lug leedahay ayaa sidoo kale ah  carada ay ka qaaday qorshaha Turkiga ee Suuriya , maaddama uu ku howlan yahay Turkiga inuu xiro hawada Suuriya, si taas looga jawaabo waxay u muuqataa inay Israa’iil cadaadis ku furayso Turkiga.

Docda kale, dalalka Islaamka suurtagalnimada iskaashi difaac oo ay yeeshaan, waxaa waqtigan la arko waa inay ka badan tahay iskaashiga ay la leeyihiin , cadowgooda u socda burburinta mid kasta oo ka mid ah.

Related posts

Cumar Finish oo la kulmay Siyaasiyiin ku mashquulsan raadinta Maqaamka Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

(Sawirro) Burcad dhacday gaari iyo hanti kale oo laga soo qabtay Duleedka Muqdisho

Caydiid Ali

(Akhriso) AFRICOM oo War ka soo saartay duqeyn Al-shabaab lagula beegsaday Jilib

Caydiid Ali
Taboola Ads ---