Allbanaadir.com
NEWS

Xubno kasoo goostay kooxda Al Shabaab oo lasoo bandhigay

Ciidanka nabadsugidda ee ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Koonfur Galbeed , ayaa maanta soo bandhigay dhallinyaro katirsanaa Al Shabaab oo kasoo goostay kooxdaasi.

Xubnahan kasoo goostay Al Shabaab oo gaaraya afar xubnood, ayaa kahor inta aysan kasoo baxsan Al Shabaab xiriiro lasoo sameeyay saraakiil katirsan laamaha amaanka Koonfur Galbeed.

Xubnahan isa soo dhiibay waxa ay sheegeen in ay Al Shabaab uga biireen gobolada Bay,Bakool iyo Jubooyinka,iyaga oo ka soo qeyb qaatay dagaal ay galiyeen argagixisadii ay ka soo baxayn.

Dowladda Soomaaliya iyo maamulada dalka ka jira , ayaa marar badan soo bandhigay xubno kasoo goostay kooxda Al Shabaab , kuwaa oo la geeyay xarumo dhaqancelin oo loogu tala galay isa soo dhiibayaasha.

Related posts

Qoor-qoor oo cabasho gudbiyey iyo Wararkii ugu dambeeyey Shirka wada tashiga Muqdisho

Caydiid Ali

Magacyada Diyaaradaha iyo Maraakiibta dagaal ee Mareykanka ku taageerayo Israel

Cabdi Cade

(Sawirro) Rooble oo kormeeray xarunta ay dhaceyso doorashada ee degmada Baraawe

Caydiid Ali
Taboola Ads ---