Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo soo kordhinaya Hay’ad cusub oo shaqo muhiim ah qabaneysa

Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni oo ku sugan magaalada Boosaaso ayaa lagu wadaa in uu dhawaan dhiso hay’ad qaabilsan La-dagaallanka argagixisada iyo dhaqancelinta xubnha ka soo baxa kooxahaasi.

Warar sugan oo ay soo dusiyeen ilo wareedyo ka tirsan madaxtooyada Puntland ayaa xaqiijinaya in madaxweyne Deni uu dhawaan hirgelin doono hay’ad qaabilsan La-dagaallanka argagixisada iyo dhaqancelinta xubnaha ka soo baxa argagixisada.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa sidoo kale la filayaa in uu Gen. Axmed Cabdullaahi Shiikh u magacaabo agaasimaha guud ee hay’adda La-dagaallanka argagixisada iyo dhaqancelinta xubnaha ka tanaasula fikirka argagixisada, sida ay soo dusiyeen saraakiil ka tirsan madaxtooyada.

Hay’adan cusub uu dhisayo Madaxweyne Deni, ayaa kusoo aadeysa xilli ciidamada Puntland ay dagaal adag kula jiraan kooxda Daacish ee ku sugan buuraha Calmiskaad, waxaana suurto gal ah in isa soo dhiibaan xubnaha Daacish qaarkood.

Related posts

Israa’iil oo shaacisay tirada weerarada dhinaca cirka ah ay ka fulisay magaalada Gaza

Cabdi Cade

Ciidamadii Maraykanka ka joogay Woqooyiga Siiriya oo ka talaabay xadka Ciraaq (Sawirro)

Caydiid Ali

Itoobiya oo dalkii Sadexaad ka iibisay koronto laga dhaliyey biyo xireenka webiga Nile

Caydiid Ali
Taboola Ads ---