Allbanaadir.com
NEWS

Saciid Ciise: “Gogosha uu ku baaqay Xasan Shiikh ma soo kordhineyso..”

Waxaa soo dhoweyn mudan kulanka Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamud iyo kuwa ah siyaasiyiinta dhaliilsan hogaamintiisa dowladda dhexe, waxeyna tilaabadaas ay labada dhinac ay dhex dhigeysaa ismaqal taban ee cabashooyinka ay kala tebenayaan, inkastoo aysan soo kordhineyn natiijo keenta kalsooni dhexdooda ah iyo degenaansho siyaasadeed oo ay dowladda ku xasisho.

Waxey ku habooneyd in talaabadaas qaadideeda laga kaaftoomo oo mucaaradku ay sugaan inta uu ka dhamaanayo xilka madaxweynaha oo la ogaanayo waxqabadkiisa oo dhameystiran, balse sida muuqata faham iyo garawshiyo la heli waayey inuu yimaado 3 sano oo uu xilka hayey madaxweynaha, suurtogal ma ahan inuu ku yimaado mudo xileedka madaxweynaha oo ay ka hartay qiyaasta hal sano.

Talooyinka shisheeyaha waxey ka turjumayaan xogaha ay ka helaan haweenka, laangaabka, aqoon gaabka, iyo maangaabka oo ay dhaqan u leeyihiin iney tiro badan ka hawl geliyaan gudaha dowladda iyo dalka, waxeyna inta badan jecel yihiin iney awooda dowladda talo ku yeeshaan, sidaasna uu dalku ugu jiro xasiloonidaro amni iyo qas siyaasadeed oo aan iyaga looga maarmi karin taladooda iyo kaalmadooda.

Waxaan taageereynaa si shuruud la’aana dadaalada ay dowladda Madaxweyne Dr. Xasan iyo Mudane Xamse ay ugu jiraan la dagaalanka xagjirka iyo hirgelinta himilada doorasho ku dhacda qof iyo cod oo dadweynaha Soomaaliyeed awooda dowladda dib loogu celinayo, waxaana sidoo kale aan soo dhoweyneynaa mudo kororsi hal sano ah oo labadaas qodob lagu dhameystirayo si dadka, dalka, iyo dowladda ay u helaan fursad huban oo lagu gaarayo dimoqradiyad dhameystiran.


Dr. Saciid Ciise Maxamud (Sacim)
Maine, USA

 

Related posts

Nabadoon caan ah oo lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Sida magaalada Baladweyne u saameesay Fatahaada Wabiga

Cabdi Cade

Maxaa ka dhalan kara go’aanada aan laga fiirsan ee Wasiirka amniga Somalia?

admin
Taboola Ads ---