Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaan Gavin Williamson oo sheegay in Dowladda Soomaaliya fashilantay

Xoghayihii hore ee Gaashaan-dhigga dalka Ingiriiska isla markaana ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka UK Gavin Williamson, ayaa dawladda Fedetaalla Soomaaliya ku tilmaamay dawlad fashilantay.

Xildhibaankan ayaa ku booriyey madaxda dowladda Soomaaliya inay qiraan madaxbanssnida Somaliland, halkii ay taas beddelkeeda ku mashquuli lahaayeen wax uu ku sifeeyay “ciyaaraha doqoniimada.”

Gavin oo si weyn ugu ololeeya qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya aanu wada xukumin magaalada Muqdisho, taasina ay cadayn u tahay fashilka dawladiisa.

Xildhibaan Gavin Williamson ayaa saadaaliyey in sannadaha soo socda ay dalal badani aqoonsan doonaan Somaliland, oo ah dalka keliya ee nabadgalyo iyo hannaan dimuquraaddiyadeed ka hirgaleen ee ka jira gobolka Geeska Africa.

Siyaasigan iyo kuwa kale oo u dhashay Ingiriiska iyo dalal kale ayaa dhaqaalo badan ku qaata u ololeynta madaxbanaanida maamulka Somaliland, waxa ayna xubnahan maamulka Somaliland u raadinayaan aqoonsi dowladnimo.

Related posts

Dal Yurub kuyaalla oo €200 bilyan ku bixinaya si uu wax uga qabto qiimaha sareeya ee gaaska

Cabdi Cade

Wasiirkii Hore ee Warfaafinta oo goordhaw loo doortay Xildhibaan katirsan Golaha Shacabka

Cabdi Cade

Midowga Yurub iyo Britain oo walaac ka muujiyey talaabo ay qorsheyneyso Israel

Caydiid Ali
Taboola Ads ---