Dal Yurub kuyaalla oo €200 bilyan ku bixinaya si uu wax uga qabto qiimaha sareeya ee gaaska

Dalalka Yurub qaarkood ayaa dhibaato xooggan kala kulmaya sara kac xoogan oo ku yimid qiimaha gaaska,  sarakaca gaaska ku yimid ayaana sabab looga dhigay dagaalka Ukraine iyo cunaqabateynta la saaray dowladda Ruushka.

Dowladda Jarmalka ayaa sheegtay in ay dhaqaale gaaraya illaa 200 oo bilyan oo Euro inay ku taageereyso bulshada iyo ganacsatada, si ay uga khafiifiyaan cadaadiska uga yimid qiimaha gaasta oo halkii ugu sareysay gaaray in mudo ah.

Gaaska cunnada lagu karsado, kan Gawaarida lagu shubo & Shidaalka Warshadaha wax soosaara waddamada Yurub ayaa qiima koror ku yimid, saameynta ugu badan waxaa dusha laga saaray dagaalka Ruushka & Ukraine.

Waddamada Yurub gaaska laga isticmaalo ayaa inta badan ka yimaada dalka Ruushka, waxaana dalka Jarmalka iyo dalal kale oo Yurub kuyaalla oo taageeray dalka Ukraine saameyn ku yeeshay qiimo kaca gaaska Ruushka .

Dalalka Yurub qaarkood ayaa ku qasbanaanaya in dhaqaale ku bixiyaan sidii xal loogu heli sarakaca qiimaha gaaska oo si weyn muhiim ugu ah dadka Yurub, waxaana laga cabsi qabaa in gaaska qiimaha hadda joogo sare uga sii kaco.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -