Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Danab oo burburiyay fariisimo Al Shabaab lahaayeen

Ciidamo katirsan kumaandooska Soomaaliya ee Danab iyo ciidamada daraawiishta Jubaland, ayaa si wadajir ah u fuliyay howlgal ka dhan ah kooxda hubeysan ee Al Shabaab ee ku sugan deegaanno katirsan gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka ay fuliyeen ciidamada huwanta ah , ayaa lagu burburiyay xarumo ay kooxda Al Shabaab dadka lacago uga qaadi jireen iyo goobo kale oo la sheegay in kooxda saldhig u aheyd.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in ay burburiyeen goobo dadka shacabka ah looga qaadayay Sakaatul Fitri qasab ah, waxa ay sidoo kale sheegeen in ciidamada khasaaro gaarsiiyeen kooxda Al Shabaab.

Ciidamada Danab iyo kuwa Jubbaland , ayaa mararka qaar fuliya howlgallo ka dhan ah kooxda Al Shabaab ee ku sugan deegaanno katirsan gobolka Jubbada Hoose, halkaas ay mararka qaar Al Shabaab la sheego in ay saldhigyo ka dhigtaan.

Related posts

Al Shabaab oo Weerar culus ku qaaday Ciidamo Kenyan ah iyo Khasaaro ka dhashay

Cabdi Cade

Maxkamadda Ciidamada oo saakay Xukun dil ah ku fulisay labo nin oo Dilal geestay

Cabdi Cade

Suuqa Waaheen oo si casri ah loo dhisay iyo Muuse Biixi oo xariga ka jaray (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---