Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamadda Ciidamada oo saakay Xukun dil ah ku fulisay labo nin oo Dilal geestay

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saakay oo isniin ah xukuno dil ah ku fulisay labo askari oo katirsanaa ciidanka dowladda Soomaaliya, kuwaa oo dilal u geestay labo nin oo kale.

Ragan la toogtay oo katirsanaa ciidanka dowladda ayaa horey maxkamadda ciidamada ugu riday xukuno dil ah, waxaana saakay lagu toogtay fagaare kuyaalla Iskool Buluusiya halkaas ay goobjoog ka ahaayeen ehelada askartan la tooganayya iyo saraakiil ciidan.

Labada Askari ee xukunka  dilka ah lagu fuliyay ayaa kala ah  Cabdi Shakuur Axmed Maxamuud iyo Cabdi Jamaal Cabdullaahi Xayle, waxaana lagu helay in ay horey dilal ugu geestay labo ruux .

Cabdi Shakuur Axmed Maxamuud waxa uu hore u dilay Xasan Maxamed Shire oo ay boliiska kawada tirsanaayeen, halka Cabdi Jamaal Cabdullaahi Xayle oo isna Boliiska ahaa waxa uu Dilay Cabdi Xakiim Maxamuud Khaliif oo uu dhacayay.

Xabsiga dhaxe ee Muqdisho waxaa wali ku jira askar katirsan ciidanka dowladda ,kuwaa oo horey maxkamadda ciidamada xukuno dil ah ugu riday, waxaa sidoo kale ku jira xabsiga rag hubeesan oo katirsanaa Al Shabaab kuwaa oo iyana qaarkood dil lagu xukumay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo:-Abdirahman Abdishakur oo ka dhax sheegay shirkii Beesha Mudulood hadal ka wada farxiyay ka qayb galayaasha !!

admin

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo lagu laayey gobolka Lamu ee dalka Kenya

Caydiid Ali

Kheyre oo Dhaqaatiir kala hadlay Qorshayaal ku aadan COVID-19 (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---