Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Daacish oo War ka soo saartay qarax saaka ka dhacay Magaalada Boosaaso

Kooxda Daacish ayaa sheegatay Qarax Miino oo Magaalada Boosaaso lagula eegtay maanta gaari nooca Soomaalida u taqaano Qooqan oo uu la socday Wasiirkii hore ee qorsheynta dowlad goboleedka Puntland Shire Xaaji Faarax.

Qaraxa ayaa ka dhacay laamiga weyn ee bartamaha Boosaaso, waxaana ku dhaawacmay Askari ka mid ahaa ilaaladiisa, iyadoo uu ka badbaaday Shire Xaaji Faarax oo la socday gaariga.

Qoraal lagu daabacay Wakaalada Wararka u faafisa Daacish ee loo yaqaano Amaq News Agency ayaa waxay ku sheegteen Mas’uuliyada qaraxii maanta ka dhacay Boosaaso, iyagoo tilmaamay in ay ku dhaawacmeen laba askari oo ka mid ahaa Ilaalada Wasiirkii hore ee Qorsheynta Puntland.

Daacish ayaa horey u sheegatay qaraxyo kale iyo dilal ka dhacay magaalada Boosaaso iyo degaano kale oo ku yaalla koonfurta Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dil loo geestay Cabduqaadir Jawaari iyo Faah faahino kasoo baxaya dilkaasi

Cabdi Cade

Wiilka Madaxweyne Xasan Sheekh oo hor tagay Maxkamad qaadeysa kiis dil ah uu ku lug lahaa

Cabdi Cade

Marwada 1-aad ee Dalka oo shir uga qeyb gashay Kuuriyada Koonfureed (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---