Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo dalka kusoo celisay dhallinyaro xabsiyo laga soo daayay (Sawirro)

Waxaa maanta dalka lagu soo celiyay in ka badan 140 dhallinyaro Soomaaliyeed ah, kuwaa oo kasoo laabtay dalka Liibiya oo tahriib ku tageen, waxaana dhallinyaradan badankood laga soo daayay kooxo magafayaal ah oo xabsiyo ku heestay.

Dhallinyaradan dalka maanta dib loogu soo celiyay oo gaarayay 145 qof, ayaa 37-kamid ah laga dejiyay magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Somaliland, halka inta kalana laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Masuuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya, ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay dhallinyarada laga soo celiyay dalka Liibiya, waxaana wajiyada dhallinyarada dalka kusoo laabtay laga dheehan karay sida ay ugu faraxsanaayeen in dalkooda kusoo laabtaan.

Dowladda Soomaaliya , ayaa marar badan dalka kusoo celisay dhallinyaro Soomaaliyeed oo tahriib ku tagay dalal Liibiya ku jirto, waxaana dhallinyaradan laga soo daayay magafayaal afduub ahaan ugu geestay xeryo kuyaalla dalka Liibiya.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xoogaga TPLF oo tacadiyo xanuun badan u geestay Haween kunool Gobolka Amxaarada

Cabdi Cade

Boqortooyada Sacuudiga oo maanta Su’aalo adag lagu weydiin doono magaalada Geneva

Cabdi Cade

Xisbullah Gantaal ridda dheer markii ugu horreysay ku garaacday Tel Aviv

Cabdi Cade
Taboola Ads ---