Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Qoor Qoor oo arrimo muhiim ah kala hadlay Anna Saleem Högberg (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug mudane Ahmed Abdi Kaarie ayaa galabta kulan gaar ah la yeeshay Anna Saleem Högberg oo ah madaxa hay’adda horumarinta dalka Sweden.

Qoor Qoor iyo Anna Saleem ayaa kulankooda uga wada hadlay horumarinta kaabayasha dhaqaalaha, Dimuqraaddiyeynta, dowladaha Hoose iyo mashaariicda kale ee ay Sweden ka waddo gudaha deegaannada Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaana uga mahad-celiyay dowladda Sweden taageerada ay siiso maamulkiisa, waxa uuna sheegay in ay dowladda Sweden ka filayaan in mashaariic badan oo wax-tar leh ka fuliso deegaannada maamulkiisa.

Qaar kamid ah dowladaha reer Galbeedka ayaa maamulada dalka ka jira ka taageera mashaariicyo badan oo dhinaca horumarinta iyo kaabayaasha dhaqaalaha, waxaana mashaariicda qaar aysan u qabsoomin qaababkii markii hore loo qorsheeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka jira in Afgambi aan shacabka ogayn uu ka dhacay Villa Somalia?

admin

Maxaad kala socotaa Musiibada xalka la mooday ee Soomaaliya heesata ?

Cabdi Cade

Dowladda oo shaacisay marxaladaha uu soo maray qorshaha Sahminta Shidaalka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---