Allbanaadir.com
NEWS

Sudan oo qaaday talaabo ay kaga aargudaneyso Kenya

Suudaan ayaa hakisay dhammaan badeecadihii laga keeni jiray dalka Kenya, kaddib markii Nairobi lagu marti-geliyay kooxda RSF, oo ciidamada kula jira dagaal sokeeye oo laba sano socday.

Bishii la soo dhaafay, RSF iyo kooxaha ay xulafada yihiin ee siyaasadeed iyo kuwa hubaysan ayaa Kenya ku saxiixday axdi aasaasi ah oo ay ku muujinayaan rabitaanka in dowlad laga barbardhiso Suudaan.

Xukuumadda militariga Suudaan ayaa sheegtay in mamnuucidda soo dejinta ay tahay mid lagu ilaalinayo madaxbannaanida dalka iyo “ilaalinta ammaankeeda qaranka”.

Dalka ay dagaalladu ragaadiyeen ayaa waxaa uu Kenya kasoo dhoofsadaa dhowr badeecooyin oo ay ka mid yihiin shaaha, badecadaha cunnada iyo dawooyinka.

“Dhammaan badeecadaha ka imaanaya Kenya ee soo mara dhammaan dekedaha, isgoysyada, garoomada diyaaradaha, iyo dekedaha waa la joojinayaa maanta ilaa amar dambe,” ayaa lagu yiri wareegto ka soo baxday wasaaradda ganacsiga Suudaan.

 

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo shaqada ka joojiyay Raisul Wasaare Rooble kuna eedeeyay Musuq maasuq

Cabdi Cade

Qarax khasaare u geystay raggii aasayey oo ka dhacay Muqdisho & dad caawa la dilay

Caydiid Ali

Gaadiid nuuca Gaashaamaan oo lagu wareejiyay Ciidamada Gor Gor (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---