Qarax khasaare u geystay raggii aasayey oo ka dhacay Muqdisho & dad caawa la dilay

Askari ka tirsan ciidamada dowlada ayaa caawa labo qof ku dilay, qaar kalena ku dhaawacay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir sida ay sheegayaan warar goor dhow ku soo dhacay warqabadka allbanaadir Online.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaabka uu falkan u dhacay, kuwaasoo qaarkood ay sheegayaan in askariga iyo dadka uu laayey qaarkood ay murmeen, halka warar kalena ay tilmaamayaan in askariga oo soo isticmaalay waxyaabo maanka dooriya uu rasaas ku furay goob ay ku sugnaayeen dadkan.

Ciidamada maamulka degmada Kaxda ayaa gaaray goobta ay wax ka dhaceen , iyagoo baadi goobaya askariga dilalka iyo dhaawaca geystay oo baxsaday sida wararku sheegayaan.

Dhinaca kale, Qarax dhimasho iyo dhaawac u geystay rag la sheegay iney aasayeen ayaa caawa ka dhacay degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.

Saraakiil ciidan ayaa ku waramay in hal nin uu geeriyooday, labo kalena ay dhaawacmeen markii saddex nin oo miino ku aasayey au kula qaraxday wadada marta Isgoyska SOS oo inta badan ay isticmaalaan ciidamada DF iyo kuwa AMISOM oo halkaas fariisimo ku leh.

Ciidamada amaanka oo ku sugnaa meel halkaas u dhow ayaa gaaray goobtaas, iyagoo halkaas ka qaaday ragga dhaawaca ah oo sawiradooda lagu faafiyey baraha bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -