Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamad ka hor timid amar dhowaan ka soo baxay Trump

Garsoore William Alsup oo ka tirsan maxkamadda federaalka ee gobolka California ayaa Khamiistii amar ku bixiyay in dib loo shaqaaleysiiyo kumannaan shaqaale federaal ah oo dhawaan la eryay, kuwaas oo ay shaqada ka ceyrisay xukuumadda Madaxweyne Donald Trump.

Go’aanka garsooraha, oo ka soo baxay magaalada San Francisco, wuxuu si toos ah u quseeyaa shaqaalaha laga saaray waaxyaha kala ah: Waaxda Difaaca, Waaxda Arrimaha Halyeeyada, Waaxda Beeraha, Waaxda Tamarta, Waaxda Arrimaha Gudaha, iyo Waaxda Maaliyadda.

Bishii hore, Garsoore Alsup wuxuu si ku-meelgaar ah u joojiyay in Xafiiska Maamulka Shaqaalaha Federaalka (OPM) uu faro waaxyaha dowladda inay shaqada ka saaraan shaqaalaha muddada tijaabada ku jira. Hase yeeshee, markaas ma uusan amrin in shaqaalaha la eryay dib loo soo celiyo. Wuxuu caddeeyay in OPM aysan lahayn awood sharci ah oo ay shaqaalaha ku ceyrin karto, isla markaana shaqo ka saarka ay sameysay ay ahayd mid sharci-darro ah.

Shaqaalaha la saameeyay ayaa intooda badan ah kuwo aan weli hal sano buuxin shaqadooda cusub, inkastoo qaar ay yihiin shaqaale muddo dheer ka tirsanaa dowladda. Xeerarka shaqada federaalka ayaa dhigaya in xitaa shaqaalaha muddada tijaabada ku jira la eryi karo oo keliya haddii ay jiraan dhibaatooyin la xiriira waxqabadkooda.

Dhanka kale, dadaallada Madaxweyne Trump ee lagu dhimayo shaqaalaha federaalka ayaa weli sii socda. Waxaa la filayaa in maanta oo Khamiis ah la shaaciyo mowjadda labaad ee shaqo ka saarka shaqaalaha dowladda, kaddib markii waaxyaha federaalka ay shalay gudbiyeen qorshahooda dhimista shaqaalaha iyo miisaaniyadda.

Related posts

Maraykanka oo qirtay in lix dayuuradood looga burburiyey weerarkii Manda bay

Caydiid Ali

Wadahadalka u socda Ruushka iyo Ukraine oo heshiis hordhac ah lagu gaaray

Caydiid Ali

Dowladda oo Shaacisay Howlgal qorsheesan oo lagu dilay 40 xubnood oo katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---