Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka oo dhagax-dhig ka sameeyay Baydhabo

Ra’isul Wasaare ku Xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa Magaalada Baydhabo ka dhagax-dhigay dib-u dhiska Seyladda Xoolaha iyo xarunta shaybaarka Xoolaha.

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka oo kormeer ku sameeyay qeybo kamid ah suuqyada ganacsiga Magaalada Baydhabo, ayaa tilmaamay in caasimadda KMG ah ee Koonfur Galbeed ay samaynayso kobac iyo horumar dhinaca ganacsiga ah,.

Waxa uu bogaadiyey Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka in dadka Soomaaliyeed ee hirgaliyey hal-abuurka kala duwan ee ka jira suuqyada ganacsiga.

Mudane Cabdsalan, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay xoogga saari doonto horumarinta arrimaha adeegyada bulshada ee dhinacyada ganacsiga, dib-u-dhiska iyo garab istaagga ganacsada dalka.

 

Related posts

Fashilka Diblumaasiyadeed ee Villa Somalia iyo go’aankii Nicholas Haysom lagu ceyriyay

admin

Jubbaland oo balan-qaad u sameysay ciidankii Shabaabka ku laayey Baarsanguuni

Caydiid Ali

RW Khayre & wafdi uu ka mid yahay Gudoomiye Cumar Filish oo dalka ka dhoofay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---