Allbanaadir.com
NEWS

Fanaan Soomaali ah oo toorey lagu dilay dalka Jarmalka

Nin Soomaali ah ayaa nafta dhaafiyey isla markaana Mindi ku dilay nin kale oo Soomaali ah kaasoo da’diisa lagu sheegay 28 jir.

Goobta Falku ka dhacay ayaa ah Kaam Qoxooti oo ku yaalla Tuuladda Ditzingen oo hoos tagta Magaaladda  Stuttgart ee dalka Jarmalka,

Qofka la dilay ayaa la sheegay inuu Fanaan Soomaali ah lagu magacaabo Qaadiro Cali

Sida uu sheegayo Xeer ilaaliyaha Magaaladda Stuttgart  Soomaalidan ayaa waxaa dhexmaray muran isku badalay Gacan ka hadal .

Nin wax dilay oo 40 jir ah ayaa markii dambe Mindi dhawr meelood ka galiyey Marxuumka,  .

Inkastoo shaqaalaha gargaarka Degdega ahi Goobta ay soo gaareen haddana uma suurtoobin inay badbaadiyaan  Marxuumka waxaanuu ku geeriyooday Goobta .

Waxa la sheegay in labadan ruux ee Soomaalidda ah ay qol ka wada daganaayeen Kaamka .

Related posts

Cabasho ka taagan qaladaad ku jira natiijada Imtixaanka shahaadiga ah

Caydiid Ali

Akhriso: Xildhibaano taageersan Farmaajo oo bayaan cad ka soo saaray Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali

Farmaajo oo ka shaqeenaya Fashilinta shirka Golaha Wadatashiga ee ka socda Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---