Waxyar ka hor , telefishinka Israa’iil ee Channel 14 oo uu maalgeliyo Netanyahu , ayaa ku warramay inay saraakiil sare oo ka tirsan maamulka Trump ku boorriyeen Israa’iil inay beegsato hoggaanka sare ee ururka Xisbullah intii lagu jiray munaasabadda aaska xog-hayihii guud ee Xisbullah, Xasan Nasrallah, oo inta uu socday ay dul joogeen dhowr diyaaradood oo isugu jiray F-35 iyo F-16 ee ciidanka Israa’iil.
Israa’iil ayaa diidday , sababo la xiriira walaac ay ka qabtay kacdoon wadajir ah oo ka imaanaya bulshada Lubnaan inay wajahdo, iyadoo warbixinta ay intaa ku dartay sabab kale oo fulinta weerarka ay isaga diidday Israa’iil inay la xiriirto isku diyaarinta ciidanka Israa’iil ee inay dib ugu laabtaan dagaalka Qasa, waxayna ka fogaanayaan inay dagaal kale ka wajahaan Lubnaan.
Maxaa dhici lahaa haddii waqtigaa ay Israa’iil duqeyn fulin lahayd?
Israa’iil, waxay si weyn uga faa’iideysataa kala qeybsannaanta , tuseele ahaan waxay Israa’iil lacag badan gelisay oo carruurahooda baasabooro iyo waxbarasho dibadda ah u dirtay hoggaamiyayaasha ururka Fatax ee Falastiiniyiinta, tan oo laga doonayay in la jaro xiriirka Daanta Galbeed iyo Qasa , taasi waxay suragal ka dhigtay midba marka ay doonto inay weerarto oo disho.
Maamulka Yahuuda, ayaa sidoo kale maalgelisa qaar ka mid ah ururrada Lubnaan , waxaa kaloo ay ka faa’iideysataa kala qeybsanaanta bulshada Lubnaan ee sunniga, shiicada iyo masiixiyiinta aan isku gudbin, balse weerar lala beegsado goob la mid aaskii Nasrallah oo lagu aaddiyay xilli Xisbullah ay u hoggaansanaatay dhaleeceyntii uga timid dadka Lubnaan oo ay joojiyeen isku day kasta oo aargoosi, wallow awoodooda la dhimay, haddana khasaare ay kala kulmaan munaasabadda aaska, waxay siin lahayn midnimada Lubnaan, taa oo Israa’iil dhexda u gelin lahayd iska caabin aan dhammaad lahayn oo dadka Lubnaan ay ka wada qeybqaataan.
Inta badan warbaahinta xiriirka la leh maamulka Israa’iil, waxay baahiyeen warar dacaayad ah oo cabsi gelin ah, balse qof walba wuxuu ogyahay dhammaan xubnaha maamulka Trump ee Mareykanka inay yihiin kuwa xag jir ah oo taageersan Netanyahu , halka toddobaadyadii u dambeeyay la arkay ugu yaraan labo mar oo Trump usoo jeediyay Israa’iil inay dib ugu laabato dagaalka Qasa oo laga arkay dhinaca Israa’iil inaysan waqtigan dooneyn ku laabashada dagaalka, wuxuuna heysta Netanyahu ikhtiyaar uu xilli walba dagaalka ugu laaban karo, isagoo helaya taageerrada Trump.
W/T Iman Jamac
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com