Allbanaadir.com
NEWS

Fartaag & Amiir oo xalay kormeer socod ah sameeyey (Sawirro)

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullahi Sheikh Ismail (Fartaag) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa xalay kormeer socod ah oo ay ugu kuur galayeen Amniga iyo bilicda Caasimadda ku tagay qaar kamid waddooyinka Magaalada Muqdisho.

Kormeerkan ayaan inta uu socday mas’uuliyiinta waxa ay booqdeen goobaha ay bulshada isugu yimaadaan, iyaga oo ka wareystay xaalada amniga magaalada iyo horumarada isdaba jooga ah ee Caasimadda kusoo siyaadaya.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Amiir ayaa faray Waaxaha Dowladda Hoose Xamar ee ku shaqada leh kor u qaadista bilicda iyo nadaafada in ay dardargaliyaan howlaha kor loogu qaadayo horumarinta Magaalada.

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullahi Sheikh Ismail (Fartaag) ayaa ku bogaadiyay saraakiisha hey’addaha Amniga sida ay had iyo jeer ugu taagan yihiin sugida amniga, isaga oo kula dardaarmay in si dabacsan loogu adeego Bulshada.

Related posts

Taliyaha booliiska oo ka hadlay Wiil yar oo Muqdisho lagu dilay iyo dad loo xiray dilkaasi

Cabdi Cade

Madaxweyne Biixi oo xariga ka jaray xabsi weyn oo Hargeysa laga dhisay (Sawirro)

Cabdi Cade

Golaha shacabka oo ansixiyey sharciga NISA & Mahad Salaad oo ka fal celiyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---