Allbanaadir.com
NEWS

Abiy Axmed oo Muqdisho kusoo wajahan iyo ammaanka oo la adkeeyay

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in beri oo Khamiis ah soo gaaraan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaana hadda socda qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga Abiy hoggaaminayo.

Warar lagu kalsoonaan karo oo laga soo xigtay masuuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegaya in Abiy iyo wafdigiisa beri u imaanayaan magaalada Muqdisho dhameestirka heshiiskii ay horey Turkiga ugu gaareen Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ku imaanayo dalka ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana wafdiga horudhaca ah diyaarinayaan wadahadalka iyo sidoo kale goobaha uu tagayo Abiy marka uu dalka yimaado.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaana si weyn loo sii adkeenayaa, waxaana la filayaa in beri la xiro inta badan wadooyiinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho inta ay joogaa Muqdisho wafdiga uu hoggaaminayo Abiy Axmed.

Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo meel xun horey u gaaray khilaafkooda ayaa dowladda Turkiga ku guuleesatay in madaxda labada dal wada fadhiisiso ayna heshiis ka gaaraan khilaafka labada dal u dhaxeeya ay ugu horreysay arrinta heshiiskii dhinaca badda ee Itoobiya la gashay Somaliland.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Yaa ka dambeeyey dilka Aamina Xuseen Xasan?

Caydiid Ali

Ka farxi CIIDA Aabe Soomaaliyed oo musiibo ku habsatay & qoyskiisa oo duruuf adag ku nool (Daawo)

Caydiid Ali

Akhriso : Afar Shuruud oo dowlada Somalia ku xirtay in in xayiraada laga qaado Jaadka Kenya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---