Allbanaadir.com
NEWS

Muxuu Laftagareen ku soo arkay Garoonka Baydhabo (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Kormeerey Dhismaha Cusub Terminalka Garoonka Diyaaradaha Dr Shaati-Gaduud Airport ee Magaalada Baydhabo oo Dhismihiisa Meel wanaagsan Maraysa

Laftagareen waxaa kormeerka ku wehlinayay mas’uuliyiin katirsan Maamulka Koofur Galbeed, waxana madaxweyne laftagareen uu la kulmeen Injineerrada shaqada gacanta ku haya iyo guddiga sida gaar ah uga shaqeynaya dhismahaan cusub Warbixin ayuu ka dhageystay guddiga dhisaya terminaalka, Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ku bogaadiyay in la kordhiyo howshaan oo sare u qaadeysa bilicda iyo adeegga Garoonka Diyaaradaha Shaati gaduud.

Dowlada Goboleedka Koofur Galbeed ayaa xoogga saartay ballaarinta Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo ee loogu magac daray Shaati Gaduud maadaama si joogta ah ay u caga dhigtaan diyaaradaha taga Xarunta Gobolka Bay.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Furey Shirka 5-aad Golaha Maamulka Hormarinta Kaluumaysiga

Shirkaan ayaa diirada lagu saari doona Xoojinta Wadashaqaynta Wasaaradaha Kaluumaysiga, Guulaha la gaaray Sanadihii la soo dhaafay, Caqabadaha Jira iyo Qorshiyaasha Hormarinta Kaluumaysiga.

Munaasabada Furitaanka Shirka Waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay ku simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka ahna Gudoomiye ku xigeenka 1-aad Mudane Maxamed Nuur Maxamed, Wasiirada Kaluumaysiga Labada Heer Dowladeed, Goliyaasha Dowladda Koonfur Galbeed iyo Marti Sharaf kale.

Related posts

Soomaali loo Magacaabay afhayeenka Guddoomiyaha Midowga Afrika

Caydiid Ali

Shirkada Coastline oo sheegtay iney Malaayiin Dollar ku bixisay heshiiska ay la gashay DF

Caydiid Ali

Maamulka G/Banaadir oo Banjarinaya Gaadiidka Wadooyinka lagu dhax dhaqo (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---