Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Shir J/Carabta uga furmay Qaahira & Somalia oo..

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo wafdi Xildhibaano ah oo uu hogaaminayo ayaa Magaalada Qaahira ee xarunta wadanka Masar, sidoo kalena ah xarunta Jaamacadda Carabt uga qeyb galay shirweynaha 7-aad ee Baarlamaanka Carabta.

Shirka oo ay ka qeyb galeen madaxda Baarlamaanada wadamada Carabta ayaa sanadkan halku dhigiisa waxa uu ahaa taageerida adkeysiga Shacabka Falastiin

Waxaa shirka looga hadlay xaaladda dalka Falastiin iyo sidoo kale diidmada qorshayaasha daadgureynta shacabka Falastiiiniyiinta dhulkooda looga rarayo, waxaana inta kulanka uu socday madaxdii ka qeyb gashay ay aad u taageereen qadiyadda Falastiin.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo shirka ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysa ayaa marka hore u mahadceliyay dhimacyada shirka soo qaban qaabiyay iyo dowladda Masar oo marti gelisay.

Waxaa uu sidoo kale madaxdii shirka ka qeyb gashay uu u sheegay in mowqifka dowladda Soomaaliya ee arinta Falastiin uu yahay mid cad, islamarkaana Soomaaliya ay taageersantahay qadiyadda Falastiin ayna garab taagantahay.

Related posts

Madaxtooyada oo War kasoo saartay Safarka Madaxweyne Farmaajo ku aaday dalka Qadar

Cabdi Cade

Saraakiisha Milatariga oo loo diyaarinayo sidii ay AMISOM ugala wareegi lahaayeen Amniga dalka (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Maxay tahay Sababta Xarunta Gobalka Banaadir looga jartay korantadii muddo 48 saac !!

admin
Taboola Ads ---