Gudoonka Baarlamanka Puntland oo qabtay Mooshin Xilka looga qaadayo Guddoomiye Dhoobo

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamanka Puntalnd Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan ayaa sheegay inuu qabtay mooshin ka dhan ah guddoomiyaha Baarlamanka Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo).

Waxaa uu intaas kju daray in 44 xildhibaan ay saxiixeen mooshinka ka dhan ah Guddoomiyaha.

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa sheegay in guddoomiyaha lagu soo eedeeyay dhowr qodob oo uu ka mid yahay inuu ku tuntay qoddobo ka mid ah dastuurka Puntland.

Madaxtooyada Puntland ayaa la sheegay iney gadaal ka riixeyso mooshinkan, iyadoo dooneysa in meesha laga saaro Guddoomiye Dhoobo oo khilaaf siyaadadeed oo xoogan uu kala dhexeeyo Madaxweyne Deni.

Mooshinkan ayaa ku soo aadaya xili xalay dagaal xoogan oo sababay dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay magaalada Garoowe ka dib markii ciidamo taabacsan madaxtooyada Puntland ay weerar ku qaadeen xarunta golaha wakiilada Puntland.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Dhoobo Daarood ayaa xukuumadda Deni ku eedeeyey inay ka dambaysay weerarkan.

“Ciidamadii Maamulka xittaa kuwii daraawiishta ee furimaha joogay nooc ay yihiinba waa la keenay Hoolka Baarlamaanka ayeyna ku hareeraysan yihiin ” ayuu yiri Gudoomiyuhu

Ujeedka weerarkan Xukuumadda Madaxweyne Dani ka leedahay ayuu ku tilmaamay inay tahay in si xoog ah ay Baarlamaanka uga meel marsato Baarlamanka, sharuucdana baalmarto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -