Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa ka soo baxay Wadahadalkii Riyadh ee Ruushka & USA?

Wadahadalladii Maraykanka iyo Ruushka uga socday magaalada Riyaad ee xarunta dalka Sacuudiga ayaa la soo gabagabeeyay waxyar ka hor , iyadoo labada dhinac ay sheegeen inay isku dhageysteen si xushmad leh.

Inta uu wadahadalka socday waxaa la isla soo qaaday geeddi-socodka lagu soo afjarayo dagaalka Ukraine iyo sidii dib loogu soo celin lahaa xiriirka labada dal; Ruushka iyo Mareykanka, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Wada-hadalka ayaa socday wax ka badan 4 saac oo xiriir ah, waxaana dhex dhexaadinayay Sacuudiga, mana jirin wakiillo ka socday Ukraine oo mustaqbalkeeda laga hadlayay iyo waddamada Yurub, wallow marka shirka uu soo dhammaaday uu sheegay Xoghaya arrimaha dibadda Mareykanka, Marco Rubio inay mar un wada-hadallada nabadda Ukraine ay ku lug yeelan doonaan reer Yurub. Balse si cad, wada-xaajoodkan wuxuu waji-gabax iyo dib u dhac diblomaasiyadeed ku yahay dalalka Yurub.

Ergayga wada-xaajoodka Ruushka, Yuri Ushako ayaa dhankiisa sheegay in laga wada hadlay shuruudaha kulanka ay yeelanayaan hoggaamiyayaasha labada dal; Donald Trump iyo Vladimir Putin, laakiin taasi uma badna inay dhacdo toddobaadka soo socda, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Ruushka ee Interfax.

Kulanka ayaa daba socday baaqii Trump iyo Putin ee la xiriiray joojinta dagaalka Ukraine, kaddib wada-hadal ay toddobaadkii hore telefoon ku yeesheen.

Madaxweynaha Ukraine, Zelenskiy waxa uu ku adkaysanayaa inaysan jiri karin wax heshiis lagu joojinayo dagaalka oo dhaqangalaya iyadoo Ukraine ay ka maqantahay wada-xaajoodyada heshiiska.

Hoggaamiyayaasha Yurub oo shirka Riyaad aan looga yeerin, waxay Isniinta toddobaadka dambe yeelanayaan kulan deg deg oo la xiriira xaaladda Ukraine.

Ruushka ayaa sheegay in NATO ay ku qasban tahay inay diido ballan-qaadka xubinnimada ay soo jeediyeen sannadkii 2008 ee ah inay  Ukraine xubin ka noqonayso NATO.

Ruushka iyo Mareykanka, sannado badan kaddib waxay markii u horreysay si gaar ah maanta uga hadleen inta uu socday shirka Riyaad, sidii ay usoo celin lahaayeen xiriirkooda diblomaasiyadeed iyo wada-hadal kale oo la xiriira tamarta adduunka.

 

Related posts

(Akhriso) Guddiga doorashada Galmudug oo War cusub ka soo saaray diiwaan-gelinta

Caydiid Ali

Trump iyo Biden oo yeeshay dood kulul oo aan waxba la iskula harin (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo lagu eedeeyay in uu jabiyay Qodob Dastuuri ah oo halis keeni karta

Cabdi Cade
Taboola Ads ---