Ninkii ka Dambeeyay Qarax xoogan oo maanta ka dhacay Muqdisho oo la qabtay

Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa la sheegay in ay gacanta ku dhigeen ninkii waday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo Duhurnimadii maanta ku qarxay Suuqa Kaawo Godey ee degmada Wadajir.

Wasiirka amniga Xukuumadda  Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa Wakaalada SONNA u sheegay in ninkii waday gaariga qarxay gacanta lagu soo dhigay kadib markii uu isku dayay inuu ka baxsado Ciidamada amniga.

Gaariga ku qarxay Suuqa Kaawo Godey waxaa ka dhashay khasaaro xoogan oo isugu jiray dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah , waxaana gaariga qarxay la sheegay in la dhigay goob dad badan ku sugnaayeen.

Inta la xaqiijiyay qaraxaasi ka dhacay Suuqa Kaawo Godey waxaa ku dhintay 8-qof halka tiro intaa ka badana ay ku dhaawacmeen, lamana oga in goobta gaarigu ku qarxay uu ahaa bartilmaameed rasmi ah iyo in kale.

Dowlada Soomaaliya ayaa marar badan sheegtay in ay fashiliyeen qaraxyo khasaaro badan dhaliyay oo Muqdisho ka dhacay, waxaana inta badan dadku isweediiyaan sidee loo fashiliyay hadiiba qaraxyadu dhaceen ayna galaafteen nolosha dad badan ?.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -