Wararkii Ugu Dambeeyay qarax xoogan oo ka dhacay Suuq Muqdisho kuyaala (Daawo Sawirada)

Qarax xoogan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa duhurnimadii maanta ka dhacay Suuqa Xaafada Kaawo Godey ee degmada Wadajir Gobolka Banaadir.

Sida aan Wararka ku heleyno qaraxa ayaa ka dhacay Isgooska Kaawo Godey oo ah goob mashquul badan oo kuyaaleen maqaayado iyo xarumo ganacsi, waxaa sidoo kale goobtaasi la sheegay in lagu iibinayay jaadka.

Goobjoogyaal ayaa ku waramay in goobta qaraxu ka dhacay ay joogeen dad badan oo shacab ah iyo ciidamo katirsan dowlada, waxaana qaraxan uu ahaa mid xoogan oo saameyn badan ku reebay halka uu ka dhacay.

Inta la xaqiijiyay 8-qof ayaa ku dhintay qaraxan halka tiro intaa ka badana ay ku dhaawacmeen, waxaana dadka qaraxa ku dhaawacmay loola cararay qaar kamid ah isbitaalada kuyaala magaalada Muqdisho.

Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin qaraxan maanta ka dhacay magaalada Muqdisho iyo khasaaraha uu geestay, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray baaritaanana ka sameeyay ciidanka booliiska.

Suuqa Kaawo Godey gaar ahaan goobta uu maanta uu qaraxu ka dhacay ayaa sidan oo kale qarax xoogan uga dhacay sanadkii hore, waxaana qaraxaasi noloshooda ku waayay dad badan .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -