Allbanaadir.com
NEWS

Gaari ay leeyihiin ciidanka Koofiyo casta oo saakay dad ku jiiray Laamiga Maka Al Mukarama

Gaari Cabdi Bille ah ay la socdeen ciidamo katirsan Koofiyo casta oo katirsan Milatariga Soomaaliya ayaa saakay dad ku jiiray laamiga Maka Al Mukarama gaar ahaan agagaarka Hotelka Wehliye.

Sida aan Wararka ku helnay gaarigan ayaa ku socday si xowlo ah , waxa uuna dardaray halkaasna ku dhintay qof shacab halka shilkan ku dhaawacmeen labo askari oo katirsanaa ciidanka dowlada.

Gaarika Tiknikada ah ayaa sidoo kale la sheegay in uu jiiray gawaari kale kale oo yaalay hareeraha laamiga, waxaana xaalad argagax leh laga dareemay goobta uu saakay shilkan ka dhacay.

Gaadiidka dagaalka ay wataan ciidanka dowlada ayaa mararka qaar si xasilooni daro ah ku socda marka ay wadooyinka marayaan, waxa ayna xiliyada qaar ciidamada gaadiidkooda ku dilaan dad shacab ah halka gaadiid kalana inta ku dhuftaan jidka uga sii tagaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaafiic lagu weeraray Xarunta Xalane xili lagu wado in Shir Xasaasi ah ka dhaco

Cabdi Cade

Meydad hor leh oo saakay laga helay agagaarka xarunta Madaxtooyada Somalia

Cabdi Cade

Muxuu yahay heshiiska Dhiibidda dembiileyaasha ee Soomaaliya la gashay Turkiga?

Cabdi Cade