Allbanaadir.com
NEWS

Iska horimaad Khasaare geystay oo ka dhacay Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal galabta ka dhacay degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu u dhexeyey ciidamada amaanka ee dowladda iyo rag hubaysan oo uu hoggaaminayey sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska.

Dagaalka ayaa ka bilowday guri ku yaalla Waaxda Neero ee degmada Cabdicasiis dhanka xigta Mirinaayo kaasoo la isku haystay Maxkamadduna amartay inaan la dhisi karin illaa amar dambe balse dhisme lagu bilaabay amarka Maxkamadda kadib.

Ciidamo boolis ah ayaa tagay guriga si ay u joojiyaan dhismaha waxaana sidaas ku bilowday dagaalka markii ay ka hor yimaadeen ciidamo kale oo ku sugnaa dhismaha

Wararka ayaa sheegaya in dhaawacyo ay soo gaareen Taliyayaasha saldhigyada Booliska ee degmooyinka Cabdicasiis iyo Kaaraan.

Saraakiil ka tirsan Hay’adaha amaanka ee dowladda ayaa gaaray goobta iska hor imaadku uu ka dhacay waxaana ugu dambeyn ay ciidanku ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan 2-ruux oo ka mid ah raggii hubeysnaa inkastoo uu baxsaday ninka la sheegay inuu booliska ka tirsan yahay ee ciidanka la dagaalamay.

Xaaladda ayaa hadda daggan waxaana Guriga la wareegay ciidamada amaanka.

Related posts

Ra’isul Wasaare Kheyre oo ka hadlay Colaadda Tukaraq (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Xafiiska korontada ee Jigjiga oo haweenka ku amray in Sulwaal soo xirtaan iyo carro ka dhalatay

Cabdi Cade

Dowladda Soomaaliya oo labo arrin oo muhiim ah kala hadashay Qaramada Midoobay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---