Allbanaadir.com
NEWS

Reer Galbeedka oo kahor yimid qorshaha Trump ka damacsan yahay Gasa

Dalalka reer galbeedka oo ay ku jiraan ; Ingiriiska , Faransiiska , Jarmalka iyo Australia ayaa ka soo horjeestay qorshaha  Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ku doonayo in Mareykanka la wareego magaalada Qasa ee dhulka Falastiin.

Waddamadan waxay taageerreen qorshaha dhismaha dawladda Falastiin, halka ku dhawaad dhammaan waddamada Carabta oo ay ku jiraan; Sacuudiga, Masar iyo Jordan ay ku sheegeen qorshaha  Madaxweyne Trump wax aan la aqbali karin oo ay si cad u diiddeen.

Shabakadda Axios , ayaa ka soo xigatay saraakiil ka tirsan Aqalka cad ee Mareykanka inay la yaabeen qorshaha Trump, iyadoo warbixinta ay sidoo kale sheegtay inuu Trump diyaarinayay qorshahan labadii bilood ee u dambeysay, kaddib markii uu waayay wax qorshe ah oo uu ku wajaho xaaladda Qasa , wuxuu soo bandhigay hindisahan waalida looga arkay dunidda.

Intaa kaddib, waxaa soo baxday Xamaas , oo u sheegtay waddamada Carabta iyo Islaamka inay kor u kacay oo ay ka soo horjeestaan qorshaha barakicinta dadka Falastiin , markaa oo ay sidoo kale tilmaameen inay dagaallami doonaan illaa midkooda u dambeya, si ay uga hortagaan iskuday kasta ee Mareykanka iyo Israa’iil oo lagu qabsanayo dhulka Falastiiniyiinta.

Related posts

Muxuu Ciro kala hadlay Madaxweynayaashii hore ee Somaliland?

Caydiid Ali

Labo qof oo goor dhow lagu dilay Belad-weyne iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Xog : Kenya oo mar kale dalbatay in dib loo dhigo Dacwada Badda iyo dowlada Somalia oo …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---