Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Nabad-galayada oo bilaabay sumadeynta Waddooyinka Muqdisho (Sawirro)

Ciidamada nabad-gelyada waddooyinka magaalada Muqdisho (Traffico) ayaa bilaabay sumadeynta hagaagsan iyo tilaamaha waddo marista , si loo yareeyo shilalka ka dhaca waddooyinka mashquulka badan.

Taliska ciidanka taraafikada ayaa sheegay in sumadeynta waddooyinka magaalada Muqdisho uga gon leeyihiin , sidii wax looga bedeli lahaa habraaca iyo nabad-gelyada dadka iyo gaadiidka waddooyinka mara.

”Tilmaamahaan ayaa wax ka badalidoona is barbaryaaca iyo Nabadgalyada Ummadda iyo Gaadiidka mara wadooyinka Caasimada, sumadeyntan ayaa sidookale sare u qaadi doonta bilicda caasimada oo la jaanqaadeysa caasimaadaha dhigeeda ah” ayaa lagu yiri war kasoo baxay taliska taraafikada.

Laamiyada magaalada Muqdisho ayaana horey u laheyn calaadamo iyo shuruuc kala hagta gaadiidka iyo dadka isticmaala, waxaana waddooyinkaasi ku yar ciidamada nabad-gelyada ,kuwaa oo gelinka hore ee maalintii kaliya lagu arko waddooyinka qaar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaar ka mid ah Shaqaalaha Ethiopian Airlines oo laga helay cudurka Coronavirus

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xil cusub u magacaabay Agaasimihii hore ee Madaxtooyada

Cabdi Cade

Shacabka Muqdisho Layaab ku tilmaamay hab dhaqan cusub oo la timid dowlada Farmaajo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---