Daawo Sawirada: Taliye Indha Qarshe oo booqday deegaan Al Shabaab dhawaan laga saaray

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe iyo saraakiil kale oo ciidanka xooga kamid ah ayaa maanta booqday deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada xooga Soomaaliya ayaa dhawaan Al Shabaab ka saaray deegaanka Dhanaane, waxa ayna ciidankan saldhigyo ka sameesteen deegaankan oo ku dhaw magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Taliyaha ciidanka xooga ayaa markii uu tagay deegaanka Dhanaane waxa uu kormeer ku sameeyay saldhigyada ciidanka ka sameesteen deegaankaasi, waxa uuna ku dhiiro galiyay ciidanka dagaalka ay kula jiraan Al Shabaab.

Indha Qarshe ayaa ciidanka ku wargaliyay in ay u diyaar garoobaan dagaal Al Shabaab looga saarayo guud ahaan dalka, waxa uuna amaanay ciidamo katirsan xooga dhawaan dagaal kula wareegay deegaanka Gandershe.

Ciidanka xooga Soomaaliya ayaa howlgalo balaaran ka wada qeybo kamid ah gobolka Shabeelaha Hoose, waxa ayna ciidanka la wareegeen magaalada Marka iyo deegaano kale oo ku dhaw dhaw magaaladaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -